Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in baarayaal ka socda ay gaareen Isbitaalka Al-Shifa ee Waqooyiga magaalada Gaza, kadib markii halkaas la dhigay boqolaal reer Falastiin ah oo dhaawac ah, kuwaas oo ay waxyeello kasoo gaartay rasaas ay ku fureen ciidanka Israel goob lagu bixinayay raashin gargaar ah.
Dhacdadan ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 110 ruux, halka boqolaal kale ay dhaawacyo kale duwan ay soo gaareen, sida laga soo xigtay xafiiska Qaramada Midoobey ee xriirinta arrimaha Baniiaadanimada (OCHA, baarayaasha ayaa waqti ku qaatay Isbitaalka iyagoo gaarsiiyay daawooyin iyo xogaa shidaal ah.
“Al-Shifa waxaa la soo gaarsiiyay in ka badan 700 oo dhaawac ah waqtiga ay booqashada ay ku jireen, shaqaalaha Isbitaalka waxaa ay nagu wareejiyeen 70 Meyd ah, kuwaas oo ku dhintay musiibadii ku timid dadkii gargaar sugayaasha ahaa” ayuu yiri afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Dujarric.
Stephen Dujarric oo hadalkisa sii wato ayaa sheegay in Isbitaanka ay u tageen hubinta inuu shaqeynayo ka hor dhacdada murugta leh” “Waxay la yimaadeen dawooyin, tallaalo iyo shidaal si ay gacan uga geystaan hubinta in xarunta caafimaadku sii shaqeyso,” ayuu hadalkiisa siiraaciyay Stephen Dujarric.




From the comments