Magaalada Qaahira ee dalka Masar waxaa dib uga furmay wada-xaajoodyo u dhaxeeya Israa’il iyo Xamaas si loo gaaro xabbad-joojin ka dhaqan gasha magaalada Gaza, loona soo daayana la heystayaasha, sida laga soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka xilli uu warbaahinta la hadlayay.
Xabadjoojintaan ayaa waxaa la filayaa in la gaaro Lix Todobaad si loo siidaayo laheystayaasha jilacsan ee gacanta ugu jira Xamas bishii 5-aad” Hadda Kubaddu waxaa ay taallaa dhnacaas iyo Xamaas waxaan isku dayi doonaa waana siiwadi doonaa inaan kuriixno sida ugu adag uguna macquulsanarrintaas” ayuu yiri.
Sarkaalkaan ayaa diiday in magaciisa loo adeegsado warbaahinta maadama uusan fasax u heysan inuu ka hadlo arrintaan, Xabadjoojinta muddada ah ayaa marinka magaalada Gaza u ogolaan doontaa in gargaar Bani’aadannimo la gaarsiiyo, xilli dhowaan waqooyinga Gaza lagu laayay Falastiiniyiin gargaar u safnaa.




From the comments