Bulshada dhaqaalaha ee Bariga Africa ayaa maanta magaalada Aruusha ee Tanzania si rasmi ah ugu dhowaaqday inay Soomaaliya ka mid tahay ururkaasi, isla markaana ay noqotay xubintii siddeedaad, kadib markii dowladda Soomaaliya ay shuruudihii buuxisay
Ku dhowaaqista Soomaaliya ee xubinnimada EAC ayaa ka dhigan in Soomaaliya ay dabaqdo shurucdii ururka EAC, sida uu sheegay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo la hadlayey warbaahinta dawladda Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay inuu maanta geeyey sharciga ay ansixiyeen labada aqal ee baarlamaanka, isla markaana uu saxiixay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, dhaqangalka heshiiska ganacsata Soomaaliyeed waxaa uu u yahay muhiim gaar ah.




From the comments