Taliyaha ciidanka xoogga dalka qeybta 43-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed General Cali Maxamed Maxmuud Bogmadoow oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay howlgallada maalintii labaad ay ciidanku ka wadaan gobolka Jubbada hoose ee maamulka Jubbaland.
Taliyaha ayaa sheegay in howlgallada ay si wanagsan uga socdaan deegaanno hoostaga inta badan degmada Jamaame iyo tuulooyinka ku xeeran, waxaana uu qorshuhu yahay ciidanku in ay dib ugu laabantaan goobihii ay ku sugnaayeen kadib markii ay istaageen daadadka.
โDaadadkii ayaa markii hore kasoo saaray ciidankeena waana nasiib darro waana lagama maarmaan waana qasab inaan dib ugu laabano oo aan ka sifeyno Khawaarijta, waxaan ku talo jirnaa manta iyo barri inaan soo afjarnoโ ayuu yiri Taliyaha Qeybta 43-aad oo hadlayay.




From the comments