Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay shirwaynaha dacwada Salafiga Soomaaliyeed,isagoo sheegay in culimadu doorwayn ku leeyihiin dawladnimada, siyaasada iyo amniga, iyagoo si gaara uga masuul ah dacwada iyo ilaalinta diinteena suubban.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in kooxaha Khawaariijtu dowladnimadeena caqabad wayn ku yihiin, isla markaana dowladdu kula jirto dagaal xoogan oo dhinacyo badan ah, sidaa awgeed waxaa culimada Soomaaliyeed looga fadhiyaa in ay doorkooda shariifka ka qaataan, isla markaana bulshadeena ka wacyi galiyaan afkaarta qaldan ee dhalinyareedan ay ku qaldaan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladdu gacanta ku hayso dhismaha golaha culimada Soomaaliyeed oo waxwayn katari doona isku soo dhawaynta kala afkaar duwanaanta culimada Soomaaliyeed.




From the comments