Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabadda qalinjabinta dufcadda 22-aad ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa ka hadlay mudnaanta ay dowladdu siinayso tayaynta waxbarashada dalka iyo muhiimadda bixinta canshuuruhu u leyleyihiin horumarinta adeegyada bulshada.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dul istaagay dadaalkii dowladda soomaaliyeedu u gashay dib u furidda Jaamacadda Soomaaliyeed oo la hirgaliyay sanadkii 2014 ayaa sheegay in dowladdu ay xoogga saarayso hormarinta iyo kor u qaadida waxbarashada dalka.
“Waxbarashada dalkeennu waxa ay soo martay duruufo kala duwan, waxaana maanta joognaa in intaan oo arday ah ay ka qalinjabiyaan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, taas oo daliil u ah in haddii la wada dadaalo oo gacmaha la is-qabsado aynu gaari karno natiijo tan ka sii weyn. Waa in muwaadiniintu si hufan bixiyaan canshuuraha qaranku ku leeyahay”.






























From the comments