U bood dhigaalka

Shirka Hormarinta Maaliyadda oo Nairobi Kusoo Gabagaboobay iyo Wasiir Biixi oo Ka Warbixiyay

Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa ku soo gebogaboobay shirka horumarinta Maaliyadda ee IMF iyo hay’adaha Dowladda, kaasoo muddo toddobaad ah ka socday magaaladaasi, waxaana looga hadalay arrimo dhowr ah oo quseeya dib u habeynta dhaqaalaha deyn cafintii kadib.


Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo faah faahin ka bixiyay shirka ayaa sheegay in ay si guul ah ku soo dhammaadeen kulamadii uu la qaatay hey’adaha caalamiga ah ee maaliyadda iyo Saaxibada Soomaaliya, isaga muujiyay guulaha laga gaaray shirkaasi.


”Shirkan oo toddobaad ka socday magaalada oo ay ka qeyb galeen hay’ado kala duwan oo dowladda ah runtii si aad iyo u qurux badan ayuu noogu dhacay, waxay muujisay in Soomaaliya mar labaad isbeddel xooggan uu socdo oo dhanka dib-u-habeynta dhaqaalaha ah iyo hay’adaha maaliyadda intaba”, ayuu yiri.


Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in uu dardar ku socdo kobaca dakhliga dalka, iyadoo la isticmaalayo Aalado Teknoolajiyadeed oo casri ah, kuwaas oo qeyb ka qaatay kobaca guud ee hannaanka dhaqaalaha ee dalkeenna, isagoo dhanka kale, warbixin ayaa la filaa in IMF ay kasoo saarto.


”Waxaa soo bixi doonna beritoole haddii uu Alle yiraahdo warbixintii hay’adda lacagta adduunka ka soo saari jirtay marka shirarka noocaan ay qabsoomaan shirka gebogebadiisa,runtii warbixintan waxaa lagu tilmaami doonaa ee in Soomaaliya sidii la rabay ay u socoto Deyn cafiskii ka dib, in ay dib-u-dhac sameyn oo hore u socod uu jiro, marka shirkaas guul iyo wuxuu ku soo dhammaaday iyo isfaham.,” ayuu yiri Biixi.


Tan iyo markii Deynta laga cafiyay Soomaaliya, waxay ku tallaabsatay guulo la taaban karo oo xagga maaliyadda ah, taas oo lagu qiray shirarkii ugu dambeeyay ee Dowladda Federaalka ay la qaadatay hay’adaha horumarinta Maaliyadda sida IMF iyo ururo kale oo caalami ah, kuwaas oo quudareynaya in Soomaaliya ay kusoo laabato saxada caalamka ee hormarinta dhaqaa;aha iyo waxsoo saarka kheyraadka.