Dabkii saakay hore kacay suuqa Bakaaraha ayaa lagu guuleesatay damintiisa, kaas oo khasaare nafeed iyo hantiyadeed gaystay sida uu sheegay guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh)
Guddoomiye Yabooh ayaa sheegay in hal qof oo ah ilaaladii suuqa uu ku dhintay, isagoo sheegay in uu ka dhashay kadib markii qaraxyo soo abaabuleen khawaarijta lagu qarxiyay halkaas.
Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa sheegay in dhawaan maxakamad lasoo taagi doono xubna la qabtay iyagoo qaraxyo dhigayo gudaha suuqa weyn ee Bakaaro, isagoo dhanka kale sheegay in ay socdaan baaritaanno la xiriira baarista kuwa ka dambeeyay dabkaas.




From the comments