Daadad xooggan iyo dhul go’ ku dhuftay jasiiradda Sumatra ee dalka Indonesia ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 19 qof halka toddobo kalena la la’yahay, sida ay saraakiishu sheegeen, gurmad ayaa socda lagu baadigoobayo dadka maqan.
Duufaanta roobka ayaa wadatay , dhagaxaan iyadoo geedo badan rujisay dhulka buuraleyda ah meel u tuulooyinka hoos yimaada degmada Pesir Selatan ee galbeedka gobolka Sumatra goor dambe oo jimco ah kadib roobab mahiigaan ah.
Yusrizal oo kamid ah saraakiisha gurmadka ayaa sheegay in samatabbixiyeyaashu ay 7 meyd ah ay ka soo saareen tuulada Koto XI Tarusan iyo saddex kale oo laba tuulo oo deris ah, waxaana uu sheegay Roobka da’aya uu wato duufaan xooggan.




From the comments