Sodmada iyo Imaaraadka oo Ka Wdaahadlay Dib u Habeybnta Biyo-xireenka Sabuun Ee Jowhar
Guddoomiye ku xigeenka hay’adda maareynta musiboyinka Qaranka ee SoDMA Dr; Axmed Cabdi Aadan, ayaa maanta la kulmay Safiir ku xigeenka Safaaradda Imaaradka Carabta Md. Seyf Cali Al-rashaash.
Kulankaan ayaa looga hadlay sidii Dowladda Imaaradka Carabta hay’adda SoDMA ay uga caawin lahayd dib u habaynta biya xireenka Sabuun ee duleedka degmada Jowhar, oo muddo aan helin wax dib u dayactir ah muhiimna u ah beeralayda ku nool Gobolka Shabeellada dhexe.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii gargaar dowladda Imaaradka Carabta u garsiin lahayd meelaha fog-fog ee dalka , gaar ahaan maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland iyo sii xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dhinac.
Guddoomiye Axmed ayaa dowladda Imaaradka Carabta uga mahadceliyey sida hagar la,aanta ah ee ay u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyed iyo dowladdooda, Biyo-xireenkaan ayaa ku burbray dadadkii El-Nino oo dhwaan ku dhuftay gobolka,