Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa kormeer qiimayn ah waxaa uu ku tagay qaar kamid ah goobaha lagu hubiyo Gaadiidka iyo Dadka la socda ee Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho’ taliyaha ayaa muddo ku suganaa goobahaasi.
Ciidamada u qaabilsan hubinta Gaadiidka ayaa taliyaha warbixin kooban ka siiyay, halka sidoo kale uu goobjoog ka ahaa howlgallo ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xaqiijinayeen amniga, waxaa sidoo kale uu booqday shacabka afaurka ku suganayay goobaha aan ka fogeyn.
Taliye Mahad ayaa Intaas kaddib waxa uu la afuray ciidanka isaga oo halkaas kula tukaday salaadda, xilli uu billaabay inuu kulamada Bulshada uu la qaadanayo isaga oo tagay qaar kamid ah goobaha lagu cunteeyo oo ay fadhiyeen Dad kala da’ duwan, waxaana safarkiisa uu u ahaa kormeer iyo u kuurgalid.




From the comments