Burcad badeed Soomaali ah ayaa markab laga leeyahay dalka Bangladesh ku afduubtay xeebaha Soomaaliya, sida laga soo xigtay Ambrey oo ah Hay’adda la socota dhaqdhaqaaqa maraakiibta iyo ammaanka badda lagana leeyahay dalka Britain.
Sidoo kale Hay’adda la socodka Howgalada Ganacsi ee Badda ee dalka Ingiriiska (UKMTO) ayaa iyadana sheegtay in gacan ku haynta markabka lagula wareegay meel dhanka bari kaga beegan Muqdisho 600 oo Nautical Mile oo dhiganta 1,111 KM, hey’adda ayaa sheegtay in Markabkaan ay saarnaayeen 20 ruux.
Warbaahinta Bangladesh ayaana sheegtay in ay saaraayeen 23 qof oo dhammaantood u dhashay dalka Bangladesh, Maamulaha shirkadda oo u waramay warbaahinta gudaha dalkaas ayaa sheegay in xiriir uu ka helay kabtanka markabka, laakiin arrintaan ayaa imaanaysa xilli burcaddu ay soo rogaalcelisay badda.




From the comments