Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan dhiiragelin ah kula qaatay ciidamo ka tirsan Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka qayb galay dhoola-tus Millatari oo ciidamo ka socday 23 waddan ay ku sameeyeen dalka Kenya, dhoolatuskaas ayey kusoo bandhigeen waxyaabo badan oo kamid ah casharro Milatariga.
Madaxweynaha ayaa ciidamada ku bogaadiyey kartida, aqoonta, xirfadaha sare ee ay soo bandhigeen iyo sumacadda ay usoo hooyeen Qarankooda, isaga oo kula dardaarmay in ay u dhaqaaqaan waajibka qarannimo ee ka saaran xoreynta dalka oo ay qeybtooda ka qaataan dardargalinta hawlgallada dalka.
“Guusha iyo wanaagga waa la wada jecel yahay waana la sheegtaa, dhallinyaro waad mahadsan tihiin Soomaaliya manta waxwalba ayey u baahan tahay, laakiin waxyaabaha ay u baahan tahay waxyaabaha ugu muhiimsan waxaa kamid ah Soomalaiya magac ayey u baahan tahay” ayuu yiri Madaxweynaha.















From the comments