Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan ku saabsan dardargelinta howlgallada xoreynta dalka waxa uu kula qaatay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Saraakiisha hoggaaminaya howlgallada,Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda JFS.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyey naf-hurnimada geesiyaasha Soomaaliyeed ee u istaagay xoreynta deegaannada ay argagixisadu kaga harsan yihiin dalka, waxa uuna xusay in si adag la isugula xisaabtamayo arrimaha la xiriira dagaalkan, maadaama uu aasaas u yahay jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.
“Mar walba cadowga waa la jabiyaa. Markaan waxaan rabnaa in aysan dib ugu soo laaban khawaarijta deegaannnada lagu jabiyo, waxaan dooneynaa in cadowga goobaha laga saaro la hubiyo si aysan dib ugu soo noqon”.




From the comments