Ugu yaraan 21 falastiiniyiin ah ayaa la dilay ka dib markii ciidamada Israel ay rasaas ku fureen kumannaan qof oo gargaar ku sugayay magaalada Qaza, sida ay sheegeen saraakiisha dowlad, goobta rasaasta ay ka dhacday ayaa ah goob lagu qeybinayay gargaar loogu talogalay dadka.
Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa ku tilmaantay weerarkii khamiista galinkeedii dambe uu ahaa “xasuuq cusub oo la sii qorsheeyay” waxayna sheegtay in in ka badan 150 qof ay sidoo kale ku dhaawacmeen, dhacdadaan ayaa noqonaysa tii labaad oo Israel ay ka geystay marinka Gaza.
Waxay ahayd tii ugu dambeysay ee weerarro xiriir ah oo lala beegsaday dadka sida weyn ugu baahan cunto iyo sahayda kale ee muhiimka ah iyadoo lagu jiro bisha Ramadaan, Israa’iil ay sii wado carqaladeynta oo ay si ba’an u xakameynayso gelitaanka gargaarka ee deegaanka Gaza.




From the comments