Midowga Afrika ayaa haatan wada dadaalkii ugu dambeeyay iyo diyaargarowga ku aadan doorashada guddoomiyaha guddiga midowga Afrika ee qabsoomaysa February 2025 oo ay ku loolamayaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo ay u kala sharaxan yihiin Wasiir hore Fowsiya Yuusuf Xaaji iyo Raila Odinga.
Golaha Sare ee Midowga Afrika ayaa qaaday tallaabo hor leh, isagoo go’aansaday in guddoomiyaha xiga ee Guddiga Midowga Afrika uu ka imaanayo Bariga Afrika muddo xileedka soo aadan maadama ay tahay meerto ku wareegta Qaaradda, kadib kulan ka dhacay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.
Golaha Fulinta ee midowga Afrika wuxuu ku yeeshay kulankoodii 22-aad, kaas oo diiradda lagu saarayay doorashada soo wajahan ee hoggaanka sare, waxaana muuqata in sanadkaan dowladda Soomaaliya ay heleyso taageero, maadaama ay kusoo laabatay saaxada lagu jaangooyo siyaasadda Qaaradda Afrika .




From the comments