Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho Ka Sagootiyay Dhaawacyo Dibadda Loo Qaaday
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirro, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale ayaa saaka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ka sagootiiyay 19 ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii lagu qaaday Hotel SYL ee magaalada Muqidisho.
Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa goobta ka sheegay in dhaawacyadan loo qaaday dalka Turkiga halkaasna dabiibid caafimaad loogu sameyn doono, waxaana ay qeyb ka ahaayeen 27 ruux oo shacab iyo askar ah oo ku dhaawacantay weerarka ka dhacay hotelka.
Hotelka SYL oo ku yaalla meel aan sidaas uga fogeyn madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa weerar ku qaaday dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo 3 kamid ah ay gudaha u galeen iyadoo lagu guuleystay in la toogto, dhacdadaan ayaa waxaa ku dhintay 3 askari halka 27 ruux ay ku dhaawacmeen.