Waxaa isasoo taraya khasaaraha dhashay weerarrada Israel ay ku heyso Qaza, iyadoo la xaqiijiyay In ka badan 100 falastiiniyiin ah lagu dilay weerarradii ugu dambeeyay ee 24-kii saac ee ka dhacay Marinka.
Duulaanka Israel ee isbitaalka al-Shifa ee magaalada Gaza ayaa galay maalintiisii afraad oo xiriir ah,xilli daraasiin dad ah la dilay lana barakiciyay falastiiniyiin badan,kuwaas oo la kulmay isirsifeyn iyo tacadiyo.
Ra’iisulwasaaraha Israel Netanyahu ayaa u sheegay senetarada Mareykanka ee Jamhuuriga in Israa’iil ay sii wadi doonto dagaalka ay ku jabinayso Xamaas, waxaana sii kordhaya werarrada lagu hayo shacabka.




From the comments