Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Turkiga, Kuuriyada Koonfureed, Filibbiin iyo Sirilaanka ee loo soo magacaabay Soomaaliya.
Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa Madaxeweynuhu kaga guddoomiye waraaqaha Aqoonsiga Danjireyaasha kala ah, Mudane Alper Akta Safiirka cusub ee dalka Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Yeo Sung-jun Danjiraha Cusub ee Kuuriyada Koonfureed, Mudane K. Theshatha Danjiraha dalka Sirilaanka iyo Marwo Marie Charlotte oo ah Danjiraha cusub ee dalka Filibbiin u fadhin doonta Soomaaliya.
Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriimo ay ka sideen Boqorrada iyo hoggaanka dalalkooda, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadaagaan Dowlada iyo Shacab ka Soomaaliyeed.










From the comments