Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xmasa Cabdi Barre oo hadal ka jeediyey Affur Wadareedka Sanadlaha ah ee is aragga Xukuumadda iyo Bulshada Qeybaheeda kala duwan, ayaa ku boorriyey in ay hormuud u noqdaan dowlad-dhiska Soomaaliya.
Raโiisul Wasaaraha ayaa sheegay si aan dalku u gelin hubinta laโaan siyaasadeedna in ay muhiim tahay in hadda sameeyo shuruucdii hagi lahayd doorashooyinka dalka, si aan hadhow u imaan muran siyaasadeed oo doorashooyinka la xiriira.
โBerri marka ay harto waqti yar, haddii aan dhahno waxaan magacaabaynaa guddi doorasho, waxaa dhacaysa hubinta laโaan siyaasadeed sidii dhici jirtay, si aan dalku u gelin hubinti laโaan siyaasadeed, waxaan u baahan nahay hadda in guddi doorasho la magacaabo, iyaguna ay diyaariyaan axsaabtii, si dalku waqtigii loogu talagalay u galo doorasho aan muran lahaynโ.Ayuu yiri Raโiisul Wasaare Xamsa.
Raโiisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhammeystirka Dastuurka KMG ah ee horyaalla Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu yahay hortabin wadareed dadka Soomaaliyeed oo dhan u taalla, taas u baahan in la isku kaalmeysto ee aan u baahayn in la isku mucaarido.
Mudane Xamsa ayaa xusay in Dastuurku uu ku jiro gacan aamin ah, muhiimna ay tahay in looga danbeeyo heyโadaha shaqada ku leh, si meesha looga saaro arrimaha waaweyn ee dastuurka ku xiran, sida gobonnimada, amniga iyo horumarka.
Sidoo kale, Raโiisul Wasaaraha ayaa xusay in amniga caasimadda uu ka muuqdo isbeddel u baahan in horey loo sii wado, isaga oo bogaadiyey tallaabooyinka lagu ciribtirayo dhaqamada xun-xun ee dhaawacaya bulshada Diinteeda iyo dhaqankeeda.




















