Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dhowaan la magacaabayo guddiga doorashooyinka Qaranka, taas oo ka dhiagan inaan dalku bari galin hibanti la’aan siyaasadeed, kadib marka muran uu ka yimaado doorashada iyo waqtigeeda oo aan heshiis lagu aheyn.
Ra’iisulwasaare Xamse ayaa Meesha ka saaray in dib loogu laabto Teendhadii Afinyooni, isaga oo xusay in ay jiraan dad raba in dib loogu laabto, isaga oo raaciyay ineysan dhici doonin doorasho lamid ah tii 2021-tan oo dalka Qatar galisay, kadib markii la isku qabtay muddo kororsi aan sharki aheyn oo la shaaciyay.
“Berri marka ay harto waqti yar, haddii aan dhahno waxaan magacaabaynaa guddi doorasho, waxaa dhacaysa hubinta la’aan siyaasadeed ,waxaan u baahan nahay hadda in guddi doorasho la magacaabo, iyaguna ay diyaariyaan axsaabtii, si dalka waqtigii loogu talagalay u galo doorasho” ayuu yiri Xamse Cabdi.




From the comments