Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa maanta xarunta Wasaaraddaasi ku Guddoomiyay Kulanka Billaha ah ee Guddiga Farsamo Xiriirka Arrimaha Xasilinta ee Wasaaradaha iyo Hey’adaha Federaalka ah.
Guddoomiyaha Guddiga Farsamo ee Xiriirka Arrimaha Xasillinta mudane Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa ugu horreyn waxaa uu sharaxay ujeedka loo dhisay guddigan iyo kaalinta uu xilligan uu dalku ku jira dib u xorreyn ka qaadanayo iska warqabka, xiriirka, mideynta ajendeyaaaha Xiriirka, Fariimaha Dowladda, wacyigelinta iyo habka gudbintooda ee dhammaan hey’adaha labada heer ee ka shaqeeya howlaha Xasillinta.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Faarax Shiekh Cabdiqaadir ayaa si qotodheer ah uga hadlay muhiimadda Xasilinta, Dib-u-xoraynta dalka iyo dedaallada ay Dowladda Soomaaliya ku daadejineyso adeeg bixinta oo ay ka mid yihiin; Waxbarashada, Caafimaadka, Garsoorka, Amniga iyo howlo kale sida Dib u heshiisiinta bulsho iyo is cafinta isaga oo bogaadiyay shaqada guddiga iyo ahmiyadda uu u leeyahay iskuxirka Dowladda iyo Shacabka.




From the comments