Xamaas iyo Israel ayaa isku dayaya gaaritaanka heshiis xabadjoojin ah, waxaana muuqata markaan in ay Israel muujisay rabitaankeeda ku aadan gaaritaanka heshiis nabadeed oo hosteedi kara in howlgallada ay joojiyaan ciidanka ay ka wadaan Gaza, Mareykanka, Masar iyo Qatar ayaa gadaal ka riixaya hishiiskaan.
Heshiiska labada dhinac ayaa horseedaya in lasiidaayo maxaabiista ay kala hestaan iyo gabi ahaan israel ay ciidankeeda ay kala baxdo goobaha ay dadka shacabka ah ay degan yihiin, dagaalka oo socda muddo ku dhow lix bilood ayaa galaaftay nolosha kumannaan Falastiiniyiin ah, halka inta kale macluul ay wajahayaan.
Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Jimcihii oggolaaday in masuuliyiinta uu u xilsaaray wadahadalada lala gelayo Xamaas, inay dib ugu noqdaan wadaxaajoodyada socda, arrintan oo ku soo aaday , maalin uun ka dib markii Israa’iil lagu amray inay si degdeg u fasaxdo gargaarka Baniiaadannimo.




From the comments