Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay labolaba xubin oo ka tirsanaa Al-shabaab kuwaasi oo doonayay inay falal amni darro ka gaystaan magaalada Muqdisho.
Xilliga ay qabanayeen ciidamada ayaa la sheegay iney gacmaha ku wateen Qaraxyo sida lagu sheegay qoraal kooban oo hey’addu ay baahisay, xubnahaan ayaa gacanta u galay ciidanka amniga Muqdisho.
Ciidanka ammaanka ee dowladda ayaa saacad kasta u taagan sugidda amniga magaalada iyagoo wada shaqayn buuxda ka helaya muwaadiniinta Soomaaliyeed, taas oo wax badan ka badeshay amniga guud.






From the comments