Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb-galay munaasabad affur ah oo loogu mahadcelinayey Guddoonka, Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo labada guddi ee dastuurka oo ku guuleystay ansixinta wax ka beddelka afarta cutub ee ugu horreeya Dastuurka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo bandhigay sida ay ugu faraxsan yihiin shacabka Soomaaliyeed qabyo-tirka Dastuurka, waxa uuna sheegay in baarlamaanka 11-aad uu ku guuleystay tallaabooyin wax ku ool ah, taasoo mudan ammaan iyo boggaadin.
Mudane Xamsa ayaa intaas ku daray in la joogo xiligii ay dadka Soomaaliyeed u midoobi lahaayeen horumarka dalkooda, isla markaana aan aqbali karin tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.




From the comments