Ruushka ayaa sheegay Sabtidii in ay daadgureeyeen 4,000 oo qof oo ku noolaa gobolka Orenburg, ee koonfurta Ural ee u dhow Kazakhstan, daadad ka dib markii uu karkaarada jabsaday biyo-xireen weyn oo gobolka ku yaallay, kaas oo sababay in ay ku fataho magaalooyin dhowr ah oo gobolka hoo yimaada.
Adeegyada degdegga ah ayaa shaqaynayey habeenkii oo dhan ka dib markii uu biyo xidheen ku qarxay magaalada Orsk, oo u dhow xudduudda Kazakhstan, warbaahinta gudaha ayaa qortay in 4,208 qof oo ay ku jiraan 1,019 carruur ah” la daadgureeyay, in ka badan 2,500 oo gurina ay saameeyeen daadadka.
Guddoomiyaha gobolka Orenburg Denis Pasler ayaa warbahainta u sheegay in khubaradu ay qiimeeyeen in biyo-xireenka loo dhisay “miisaan kale” iyo in heerka roobabku uu ahaa “mid aan caadi ahayn.”, isagoo sii raaciyay in kiis dacwad la furayo dayaca xeerka badbaadada Biyo-xireenka ayaa dhisan tan iyo 20014.




From the comments