Maxkamad ku taalla wadanka Kenya ayaa lasoo taagtay nin lagu sheegay inuu yahay hoggaamiyihii ugu muhiimsanaa kooxda Daacish ee bariga Afrika, kaas oo doonayay inuu kooxda ka aasaaso gudaha dalka, sida lagu shaaciyay cadeymaha ay xeer ilaalintu ay u soo bandhigtay maxkamadda uu kasoo muuqday.
Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa ninkaan oo lagu magacaabo Mohamed Abdi Ali alias Abu Fidaa (Abu Shuhadaa) ku eedeysay inuu qorsheynayay inuu ururka Daacish ka dhiso dalka Kenya iyo gobolka Bariga Afrika sannadkii 2016, markaas kadib ayaa ciidanku ku bilaabeen baaritaanno.
Sanadkii 2016 ayaa ninkan lasoo qabtay, tan iyo waqtigaasna wuxuu ahaa xukun suge, Xafiiska guud ee Xeer Ilaalinta ee dalka Kenya ayaa warbixin uu soo saaray Jimcihii, ku sheegay in eedeysanaha lagu helay dembi ah inuu xubno u qorayay Ururka Daacish ee ka howlgala dalalka ay xasaraduhu ka jiraan xilligaan.




From the comments