Daadad xooggan oo ku rogmaday qeybo kamid dalka Tanzania oo ka dhashay Roobab Mahigaan ah oo maalmahaan ka da’ayay ayaa sabay khasaare xoogan, ku dhawaad 60 qof ayaa ku dhintay tan iyo bilowga bishan Abriil roobab ku dhuftay qeybo badan oo ka mid ah Tanzania a sida ay dowladda laga soo xigtay.
Daadadka ayaa waxyeelo weyn gaarsiiyey kumannaan beero ah oo ku yaala dalkaasi, Mobhare Matinyi, oo ah afhayeenka dowladda, ayaa yiri “Saameyn halis ah ayaa ka dhacday gobolka xeebta halkaas oo 11 qof ay ku dhinteen,” ayuu intaas ku daray Matinyi oo ka hadlayay saameynta ka dhalatay Rooka Da’ayay.
Jimcihii la soo dhaafay, siddeed carruur ah ayaa dhintay ka dib markii bus iskool oo saarnaayeen uu ku dhacay tog uu daadad rogmanayo oo ku yaalla waqooyiga dalka, Abriil waxay calaamad u tahay xilliga roobaadka ee Tansaaniya. Sanadkan waxaa da’ay roobabkii ugu badnaa marka loo eego sanadadii hore.




From the comments