Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Amiir Faysal Bin Farxaan ayaa sheegay
in dunidu ay si weyn u buunbuunisay dilka 7 ruux oo samafalayaal ah, kuwasoo lagu dilay Gaza, iyadoo la iska indha tiray in ka badan 33,000 oo ku naf waayay intii uu socday dagaalka Israa’iil iyo Xamaas.
Wasiirka oo barbar taagan dhiggiisa Pakistan ayaa shir jaraa’id oo ay magaalada Islaamabaad ku wada qabteen ka sheegay inay dadka reer falastiin wajahayaan dhibaatooyin baaxad leh, adduunkuna uu isha keliya ka daawanayo.
wuxuu intaa ku daray in dadaalka la sameeyay ee lagu doonayo in xabad joojin laga sameeyo Gaza aysan ahayn mid ku filan, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay dardargelinta gargaarka la gaynayo halkaa.




From the comments