U bood dhigaalka

5 Sarkaal oo Ku Geeriyootay Burburka Hilikobter Kenyaan ah

Abriil 18, 2024

Ciidamada Qalabka Sida ee Kenya(KDF), ayaa shaaciyay in Hilokobter ay saarnaayeen 12 Qof ay ku burburtay Sindar galbeedka Kenya

Ciidankan oo u socday in ay soo indhoindheeyaan goobo horleh ciidamada la dejiyo ayay la buburtay Hilikobterka iyada oo ay ugu yaraan 5 sarkaal ku naf waayeen.

Dadka qaar oo ka badbaaday ayaa lagu waramayaa in loo qaaday Caasimadda Nairobi.