Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in xarumeheeda Nukliyeerku ay ammaan yihiin, islamarkaana ay si adag uga jawaabi doonto weerar kasta oo Israa’iil iyo xulufadeeda kaga yimaada .
Taliyaha ciidanka ilaalada iyo Amniga Xarumaha Nukliyeerka Iiraan Sarreeye Guuto Axmed Xaqa Taalab ayaa sheegay in dalkiisu uu jawaab ka bixin doono weerar kasta oo Israel ay ku bartilmaameedsato xarumaha Nukliyeerka ee Iran, isagoo tibaaxay in dib u eegis lagu sameeyo siyaasadaha Nukliyeerka ee Iiraan.
Iiraan ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u samaysan lahayd hub Nukliyeer ah, ayadoo tobanaankii sanoo la soo dhaafay ku hawlanayd bacariminta walxaha laga sameeyo madaxyada Nukliyeerka, sidoo kale waxay ku guulaystay inay soo saarto gantaallo balaastig ah oo casri ah.




From the comments