Iyadoo muddooyinkaan dambe heerkul aad u sarreeyo iyo huur laga dareemay guud ahaan gobollada Soomaaliya, ayaa saacadii la soo dhaafay waxaa meelo badan oo dalka kamid ah ka curtay roobka xilliga Gu’ga oo aad loogu diirsaday.
Magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad Goboleedka Puntland ayaa kamid ah meelaha ay roobabka mahiigaanka ihi ka hooreen, islamarkaana ay daadadku qulqulayaan jidadkeeda laamiga ah iyo kuwa jayga ahba.
Sidoo kale waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay gobollo kale oo dal kamida roobab xoogani ka di’i doonaan, kuwaasoo ay haatan ka jiraan xaalado bini’aadantinimo oo abaaro iyo biyo la’aan ka dhashay.




From the comments