Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in cidkasta oo dalka magac wanaagsan u keenaysa ay dowladu diyaar u tahay inay ku garab istaagto.
Madaxweynaha oo ka hadlayay munaasabad ballaaran oo lagu abaalmarinayay Orodyahan Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo dhawaan ku soo guulaystay mid kamida tartamada Afrika ayaa tibaaxay in dowladda Soomaaliya ay xoog, xeelad, iyo saameynta ay dunida ku leedahayba ku garab istaagi doonto qof kasta oo doonaya inuu Soomaaliya fagaare caalami ah ku matalo, magac wanaagsan iyo guulna u soo hooyo.
Sidoo kale wuxuu ganacsata iyo bulshada qeybeheeda kaleba ugu baaqay in dhallinyarada hormarka dalkooda u taagan la taageero oo la dhiirigeliyo, si ay soomaaliya uga baxdo magac xumadii ay dagaalada sokeeye iyo burburka ka dhaxashay.




From the comments