Ra’iisulwasaare Xamse oo Maanta Muqdisho Ka Furay Shirweynaha Maalgashiga Soomaaliya
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo lagu soo bandhigayey sidii looga faa’iideysan lahaa fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, iyada oo laga faa’iideysanayo fursadaha jira ee ay kamid tahay deyntii oo laga cafiyey Soomaaliya iyo ku biirista suuqa ganacsiga Bariga Afrika.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay dal qani ah oo leh kheyraad kala duwan, sidaas awgeedna ay Xukuumaddiisu dedaal ugu jirto soo jiidashada iyo dhiirigelinta maalgashiyo caalami ah oo dalka u horseeda isku filnaansho dhaqaale iyo shaqo abuur.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhiirigeliyey maalgashadayaasha gudaha iyo dibedda in ay ka faa’iideystaan fursadaha badan ee ka bannaan maalgashiga dalka, isaga oo xusay in fursadaha jira ay sii dhiirigelinayaan amniga oo soo hagaagaya iyo shuruucdii maalgashiga hagaysay oo la dhammeystiray, Tallaabooyinkaas oo damaanad siinaya maalgashadeyaasha caalamiga ah.
Shirka oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa waxaa ka soo qeyb galeen ganacsato ka socotay waddamada Bariga Afrika, iyada oo lagu soo bandhigay fursadaha waaweyn ee dhinaca maalgashiga ah ee ka jira Soomaaliya, kuwaas oo u baahan in lagu sameeyo maalgelin, si bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan.