Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Xukuumadda Federalka Soomalaiya ayaa soo saartay warbixin ku aaddan saadaasha hawada iyo digniino ku saabsan Isbeddelka Cimilada, iyadoo saadaalisay in 27-ka bishan uu roobku wada gaari doono inta badan gobollada dalka oo soo billowday 20-ka April.
Warbixinta ayaa sheegtay in Webiga Shabeelle uu qatar ugu jiro in uu fatahaado ka sameeyo gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe si gaar ah degmada Jowhar oo ay ka harsan tahay kaliya 23 cm cabsida laga qabo billowga fatahada Wabiga Shabeelle, xilli meelaha qaar uu jabsaday haddana laga celiyay.
Waxa kale oo suurta-gal ah ayaa la lagu yiri warbixintan in ay ka dhashaan roobka daadad degmooyinka dhaca goballada Bay, Sanaag, Waqooyi Galbeed, Togdheer, Banaadir, Hiiraan iyo Gedo, kuwaas oo hakad gelin kara dhammaan isku socodka gadiidka iyo kaabayaasha nolasha guud ee nolosha cabsina laga qabo




From the comments