Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu magaalada Daaru-salaam ee dalka Tanzania uu kula kulmo dhiggiisa marwo Samia Suluhu Hassan, xilli lagu wado in labada dowladood ay kala sixiixdaan heshiisyo dhowr ah oo muhiim u ah labada dal.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo wafdiga Madaxweynaha ka mid ah ayaa faahfaahin ka bixiyey Kulanka labada Madaxweyne ee lagu wado inuu manta ka dhaco dalkaas, isagoo sheegay inuu muumad gaar ah u leeyahay labada dhinac.
“Maanta wuxuu magaalada Daaru-salaam uu kulan kula yeelan doonaa madaxweyne Marwo Samia Suluhu Hassan, kulanka labada madaxweyne waxaa looga hadli doonaa xoojinta xiriirka labada dal, iskaashi iyo dhinacyo badan oo labada madaxweyne ay yeelan doonaan” ayuu yiri Wasiir Daa’uud.




From the comments