Daadad iyo roobab xooggan oo dabeylo wata oo ka da’ay Kenya ayaa dilay ku dhowaad 100 qof tan iyo bartamihii bishii Maarso oo roobabka la dareemay , afhayeen u hadlay dowladda ayaa sheegay Jimcihii, taasoo laba jibaar ka badan intii la soo sheegay horraantii toddobaadkan oo ka hooseysay 40 ruux.
Roobabka xilligaan ayaa siweyn looga dareemayaa caasimadda, waxaana jira in gobolka Waqooyi bari uu go’doon galay marka la eego, kadib fataad uu sameeyay Wabiga Tana 24-kii saac ee lasoo dhaafay, iyadoo gobolka laga soo warinayo geerida 50 ruux, gobolka ayaa ah midka ugu khasaaraha badan gudaha Kenya.
Dalka ku yaalla bariga Afrika ayaa waxaa toddobaadyo ka da’ayay roobab xooggan iyo daadad xooggan oo ka da’ay caasimadda Kenya ee Nairobi, iyo sidoo kale gobollada galbeedka iyo bartamaha dalka, waxaana gabi ahaan istaagay isku socodka dadka iyo gaadiidka, xilli loo aaneynayo roobka xadigoodu uu sareeyo.




From the comments