Maxkamadda Gobalka Banaadir ayaa shaacisay wax dambi ah lagu waayay taliyihii ciidanka Booliiska garoonka Aadan Cadde Gaashaanle Dhexe Cabdifitaax Bashiir Cali, kaas oo warqad soo qabasho ah loo jaray 24-kii bishaan, Maxkamadda gobolka ayaa waxkamajiraan ku tilmaantay eedeymaha loo heysto.
Maxkamadda ayaa xustay in G/Dhexe Cabdifataax Bashiir Cali uu horyimid Maxkamadda Gobolka Banaadir Tr.28/04/2024, waxna laga waydiyay kiiska loo haystay, isla markaana ay Maxkamadda u cadaatay in uusan wax lug ah ku lahayn kiiska lagu eedayay taliyaha ciidanka booliiska garoonka.
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa 24-kii bishan abriil Taliye cabdifitaax ku eedaysay inuu si sharci darro ah u dhisanayo dhul ku yaalla aagga Garoonka Aadan Cadde, waxayna Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ka dalbatay inuu soo xiro, kadib markii uu diiday inuu imaado maxkamadda.
