Madaxweynaha Colombia Gustavo Petro ayaa ku dhawaaqay inuu qorsheynayo inuu xiriirka diblumaasiyadeed u jaro Israel, sababo la xiriira dagaalka ay ka wado Marinka Gaza, kaasoo xad-gub ku ah xuquuqda aadanaha khubaraduna ay ka digeen inuu noqon karo xasuuq.
Isagoo la hadlayay dad isugu soo baxay xuska maalinta shaqaalaha adduunka ee ayuu sheegay Petro in dalalku adduunku aysan u dulqaadan karin dhibaatada ka taagan Gaza.
Petro oo ah Hogaamiye garabka bidix oo xukunka qabtay 2022, ayaa loo arkaa qayb ka mid ah mowjadaha horu-socodka ah ee loo yaqaan “meerka casaanka” ee Latin America, Waxa uuna ahaa madaxda gobolka ee sida aadka ah u dhaleeceeya Israa’iil tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza.




From the comments