Koox kamid ah shaqaalaha Google-ka ayaa Isniintii Cabasho u gudbiyay Guddiga Xariirka Shaqaalaha Qaranka ee Maraykanka, taas oo ku saabsan wax ay ku tilmaameen eryid sharci-darro ah oo lagula kacay 50 shaqaalaha kamida, kuwaas oo ka horyimid mashruuca Nimbus oo ay shirkaddu la saxiixatay dawladda Israa’iil si ay u horumariso qalab milatari.
Shaqaaluhu waxay dalbadeen in xubnaha la eryay lagu soo celiyo shaqadoodii, iyadoo mushaarkooda dib loogu soo bilaabayo, iyo in qoraal ay Google-ka soo saarto oo ay ku ballan-qaado inaysan ku xad-gudbi doonin xuquuqda shaqaalaha ee is-abaabulka, oo ay ku jirto inay ku biiri karaan ururro kale oo shaqaale.
Waxay ku sheegeen cabashada in markii ay shaqada ka cayriyeen shaqaalaha, Google ay ku xad-gudbeen xuquuqdooda, islamarkaana ay Shirkaddu garab martay sida uu dhigayo sharciga shaqada ee Maraykanka iyo kuwa caalamkuba.




From the comments