Madaxweynaha dalka Kazakhstan, Kassym-Gomert Tokayev ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu uu marti-gelin doono wada xaajoodka nabadeed oo u dhexeeya Azerbaijan iyo Armenia, kaasoo lagu qaban doono magaalada Almaty.
Tokayev ayaa qoraal uu bartiisa X oo horay loo oran jiray twitter ku muujiyay inuu soo dhaweynayo is-afgaradka u dhexeeya Azerbaijan iyo Armenia ee ku saabsan qabashada wada xaajoodka heerka wasiirrada arrimaha dibadeed ah oo loogu gogol xaarayo diyaarinta heshiis nabadeed oo u dhexeeya labada dal.
Wuxuu sheegay in wada xaajoodka lagu qaban doono magaalada Almaty iyadoo lagu saleynayo soo jeedinta dhanka Kazakhstan, balse ma aanu cayimin xilliga uu dhacayo wada xaajoodkaasi.
“Kulankan muhiimka ah waxa lagu qaban doonaa magaalada Almaty, waana sababta uu astaan u leeyahay iyada oo la tixraacayo Baaqii taariikhiga ahaa ee Alma-Ata ee la saxeexay December 1991, kaas oo saldhig u ah horumarka madax-bannaanida ee waddamada Barwaaqo-sooranka” ayuu yiri Kassym-Gomert Tokayev.




From the comments