Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay oo ka mas’uul ah ama u qaabilsan arrimaha Qaza oo lagu magacaabo “Mungo Birch” ayaa shaaca ka qaaday in baaxadda burburka ka dhashay dagaalka Israa’iil ee Marinka qasa uu ka weyn yahay marka la barbar dhigo midka Ukraine.
Birch ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay Arbacadii ka digay in dhibaatadu aanay ahayn oo keliya baaxadda burburka oo dhan 37 milyan oo tan, balse waxa ugu khatarta badan ay tahay qalabka aan weli qarxin ee uu ku jira deegaanka, isagoo xusay in inta u dhaxaysa 10 ilaa 15% hubka dagaalka loo adeegsaday aysan qarxin.
Wuxuu xaqiijiyay jiritaanka in ka badan 800,000 oo tan oo qalab dhisme oo khatar ah, kuwaas oo burburka qeyb ka ah, isagoo xusay baahida loo qabo boqolaal milyan oo doollar muddo dhowr sano ah si Qasa looga dhigo mid ammaan u ah dadweynaha.




From the comments