Ciidan ka tirsan militariga Ruushka ayaa galay saldhig ay leeyihiin ciidamada cirka ee Niger oo ay ku sugnaayeen ciidamo Mareykan ah, sida uu wakaalada wararka ee Reuters u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan gaashaandhigga Mareykanka.
Dhacdadan ayaa timid kadib markii madaxda militariga ee Niger ay go’aan ku gaareen in ciidamada Mareykanka laga saaro dalkaasi, Saraakiisha militariga ee hadda haya talada Niger ayaana bishii March u sheegay Washington inay kala baxaan ku dhawaad 1,000 ka mid ah ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalkooda.
Kahor afgambigii militari oo dhacay bishii Luulyo ee sanadkii hore, Niger waxa ay ahayd saaxiib muhiim u ah Mareykanka oo dagaalka uu kula jira kooxaha ISIS iyo al-Qaacida ee gobolka Saaxil ee Afrika xulufo ugu ah.




From the comments