Ku dhowaad afar qof oo isku qoys ah ayaa ku naf waayay weerar ay diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil la beegsadeen xaafadda Al-Jaafra oo ku taalla magaalada Mays Al-Jabal ee dalka Lubnaan.
Sidoo kale duqeymuhu waxay geysteen burbur aad u ballaaran, waxaana xagga khasaaraha nafeed la xaqiijiyay 3 qof oo oo dhimasho ah, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo dhammaantood ahaa dadka rayid ah.
Kooxaha gurmadka degdega ah iyo gawaarida ambalaasta iyo ayaa dadka dhaawacmey u daadgureeyay cisbitaallada aagga ku yaalla, iyadoo kooxaha difaaca madaniga ah ay sii wadaan baaritaanka iyo qaadista burburka iyagoo raadinaya mid ka mid ah dadka la la’yahay.




From the comments