Taliyaha Boliiska Dawlada Puntland Sareeye guuto Mumin Abdi Shire ayaa kulan laqaatay team uu hogaaminaayo wasiirka Wasaarada Deegaanka Puntland, kulanka oo ay Qayb ka ahaayeen Taliyekuxigeenada Boliiska Puntland, Taliyekuxigeenka Hogaanka Dembibaarista CID, Hogaanka Hawlaha, Hogaanka Booliseynta Bulshada iyo Wasaarada Deegaanka iyo isbedelka cimilada Puntland.
Kulan ka ayaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta Wasaaradda iyo Booliska iyo sidii loo dhaqan galin lahaa shuruucda deegaanka.
Gaba gabadii kulanka waxaa la isla qaatay in la dhiso Gudiga Ilaalinta Deegaanka oo ka kooban wasaaradda, Booliska iyo Qaybihiisa kala duwan sida CID iyo community policing, iyo Hay’adaha Bah wadaagta la ah Boliiska sida Wasaarada Deegaanka iyo isbedelka cimilada Puntland.




From the comments