Dadaallada ciidamada badda ee Maraykanku ku doonayaan inay ku dhistaan raxan maraakiib ah oo aan cidina wadin ayaa u muuqda kuwo guuldarro ku dambeyn doona maadaama Pentagon-ku ay ku howlanyihiin mashruucyo kale oo waaweyn.
Mashruuca ay gacanta ku hayaan saraakiisha iyo madaxda shirkadda samaysa gaadiidka militariga ayaa waxaa kamida diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee badda oo ay dib u qaabeynayaan.
Xeeladaha soo jiitay dareenka Khubarada Pentagon-ka,ayaa waxaa kamida casharro badan oo laga bartay dagaalka Ukraine iyo weerarada maraakiibta ganacsiga ee ay geystaan kooxda Xuutiyiinta Yemen. kaas oo lagu daraya qorshaha Mareykanka ee ka hortagga awoodda ciimada badda Shiinaha ee sii kordheysa.




From the comments