Ugu yaraan 75 ruux ayaa ku geeriyootay, halka 103 lagu la’yahay ka dib Daadad waaweyn oo ku rogmadeen gobolka rio grande do sul ee koofurta dalka Brazil sida ay sheegeen maamulka maxalliga ah ee deegaanku .
Khasaaraha ka dhashay roobabka ayaa sidoo kale ku qasbay in ka badan 88,000 oo qof inay guryahooda ka barakacaan, mas’uuliyiinta difaaca madaniga ah ee gobolka ayaa sheegay in Ku dhawaad 16,000 oo ruux ay gabaad ka dhigteen iskuulada, goobaha jimicsiga iyo meelo kale oo ku meel gaarka ah.
Daadadka waxaa sidoo kale ka dhashay burbur baaxad leh oo ay ka mid yihiin dhul go’ay, jidad burburay iyo buundooyinka gobolka oo dumay.




From the comments