Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay shirka laba-geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, ayaa xoogga ku saaray xiriirka taariikhiga ah iyo walaaltinimada ka dhexeysa labada dal, iskaashiga gobolka ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka, iyo sida Soomaaliya uga go’an tahay in ay kaalin firfircoon ka qaadato isku xirnaanta Bariga Afrika.
Kulanka oo ay ka qeyb galeen xubno ka socday labada dowladood oo ay kala hoggaaminayeen Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dalkaas Mudane Rigathi Gachagua, ayaa ahaa mid daba-socday heshiisyadii ay shalay wada gaareen labada dal.
Ra’iisul Wasaaraha wuxuu adkeeyay sida wadahadallada labada geesoodka ah ee (JCC) ay u yihiin saldhig wanaagsan oo lagu sii xoojin karo xiriirka labada dal, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay horumarka wadahadallada iyo heshiisyada la gaarayo.




From the comments