Agaasimaha CIA Bill Burns ayaa lagu wadaa in uu maanta u safro Israa’iil si uu ula kulmo ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, sida ay ilo qarsooni u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.
Booqashada Burns ayaa ku soo beegantay iyadoo Israa’iil ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka billowday Rafah, waxayna qabsatay xudduudda Rafah ee muhiimka ah ee Masar, waxayna amar ku bixisay in ka badan 1 milyan oo falastiiniyiin ah oo gabaad ka dhigta magaalada koonfurta Qaza inay isaga guuraan.
Weerarkii Rafah ee Israa’iil ayaa sidoo kale shaki galiyay suurtagalnimada wada-xaajoodyada xabbad-joojinta ee socda, iyadoo wufuud ka kala socota Israel, Hamas, US, Qatar iyo Masar lagu wadaa inay maanta ku kulmaan Qaahira.




From the comments