Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Dowladda ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo lagu qabtay Taliska guutada labaad ee Ciidamada Darawiishta Jubaland ee deegaanka Buulo-guduud ee gobolka Jubada Hoose.
Shirka ayaa lagaga hadlay arrimaha amniga iyo howl-galada Ciidamada kala duwan ee Dowladda iyo kuwa Jubaland ay ka wadaan deegaanada hoostaga Degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose.
Sidoo kale kulanka waxaa lagu falanqeeyay dib u dajinta iyo tageerada dadka ku dhaqan deegaanada jiinka wabiga Juba iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa roobabka iyo fatahaadaha laga cabsi qabo inay ka dhacaan deegaanada Jubaland.




From the comments